Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Magacaabista Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ansixiyay magacaabista Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, xubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska NISA oo Magaalada Kismaayo ku soo bandhigay rag lagu eedeeyey..(Sawirro)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo dardaaran adag siiyey ciidamo loo qaadayo jiidaha dagaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Milateriga Israel oo isaga cararay Jenin ka dib dagaal qaraar oo ku qabsaday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---