Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaabn oo weerar ku qaaday lana wareegtay Deegaan ay wareejiyeen Ciidamada ATMIS

Dagaalyahanno aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Gariley ee gobolka Gedo, waxaana halkaasi lasoo sheegayaa in uu ka dhacay dagaal labada dhinac khasaaro kasoo gaaray.

Weerar dhowr jiho ah ayaa la sheegay in Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Gariley oo ahaa istaraatiiji , waxaana halkaasi dagaal kaddib lagu soo waramayaa in ay la wareegeen kooxda Al Shabaab.

Deegaanka Gariley waxaa sannadihii lasoo dhaafay ku sugnaa saldhig weyna ku lahaa ciidamo katirsan milatariga Kenya ee qeybta ka ah ATMIS, ciidamada Kenya ayaana dhawwaan saldhigan ku wareejiyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin weerarkan Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Gariley iyo wararka sheegaya in kooxdaasi deegaanka kala wareegtay ciidanka dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal la isku habeensaday oo ka dhacay Bacaadweyn & Galmudug oo ka hadashay

Caydiid Ali

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhaxe oo Maanta Muqdisho lagu daahfuray (Sawirro)

Cabdi Cade

Shir horu dhac ah oo Jabuuti uga furmay Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---