Shirka Wadatashiga ee u dhaxewta Madaxda Qaranka, Madaxdii hore ee dalka xilalka uga soo qabatay iyo siyaasiyiinta ayaa maalintii labaad ka socda hotelka Decale ee Magaalada Muqdisho .
Waxaa maanta shirka socsa ku biiray Guddoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka federaalka iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya shirka oo qorshuhu yahay in maanta lasoo gabagabeeyo ayna ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Masiirka Ummadda.