Allbanaadir.com
NEWS

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dibad baxyadii Kenya

Waxaa shalay magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale oo katirsan dalka Kenya ka dhacay dibad baxyo rabshado watay oo ay dhigayeen taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga.

Dibad baxyadan ayaa ahaa kuwa looga soo horjeeday sicir bararka Kenya ka taagan iyo canshuur kordhinta dowladda ku sameesay badeecadaha qaar, waxaana dibad baxan markii dambe isku bedelay mid rabsho watay.

Dadka dhigayay dibad baxyada ayaa dhagxaan ku tuurayay ciidamada booliiska , waxa ay sidoo kale dadkan boobayeen goobaha ganacsi ee furan , iyaga oo sidoo kale taayaro waddooyinka ku gubayay.

Dibad baxyadan rabshadaha watay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad gaaraya toban qof, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo badan, booliiska ayaana adeegsanayay rasaas nool nool iyo biyaha dadka lagu kala eryo.

Mucaaradka dalka Kenya ayaa ku hanjabay in ay sii wadayaan dibad baxyada ay dowladda ku cadaadinayaan, dibad baxyadan ayaana saameyn xooggan ku yeeshay nolosha iyo ganacsigii ka jiray dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo sheegay in Biden uu lumiyey heybadii iyo cabsidii laga qabi jiray Maraykanka

Caydiid Ali

Mahdi Guuleed: “Muran kasta oo yimaada wuxuu dib u dhigayaa qabsoomida doorashada”

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo qabsaday Magaalo weyn oo ku taalla gobolka Tigray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---