Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi iyo Abiy Axmed oo arrimo Xasaasi ah kawada hadlay

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa kulan muhiim ah oo looga hadlay arrimo kala duwam oo xasaasi ah shalay ku yeeshay xarunta madaxtooyada Masar ee Qaahira.

Kulanka dhax maray labada hoggaamiye ayaa intii uu socday looga wada hadlay arrimo dhowr ah ay kamid ahaayeen xiisadda dalka Suudaan, xiriirka labada dal iyo biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka sameyneyso webiga Nile.

Madaxweyne Al-Sisi iyo Abiy Axmed ayaa ku ballamay in ay sii wadaan kulamada looga hadlayo xaalada dalka Sudan iyo sidoo kale xiisada labada dal u dhaxeesay muddooyinkii lasoo dhaafay ee ka dhalatay biyo xireenka Itoobiya ee saameenaya wabiga Niil.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa u tagay dalka Masar ka qeyb galka shir madaxeedka dalalka deriska la ah Suudaan, shirkan ayaana looga hadlayaa xaalada colaadeed ee ka taagan dalka Sudan iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo ku hanjabtay aargoosi kadib weerar lagu qaaday xarun Nukliyeerka lagu farsameeyo

Cabdi Cade

Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga oo Muqdisho lagu xusay (Sawirro)

Cabdi Cade

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacada Carabta oo geeriyooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---