Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Warbixin siiyay labo Ra’isul Wasaare hore

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay labo kamid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray oo kala ah Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Xamsa Barre  ayaa Ra’iisul Wasaarayaasha hore warbixin qoto-dheer kasiiyay shaqada Xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab.

Waxa uu sidoo kale uga waramay halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah ku dhow, hannaanka dalkeenna looga qadaayo cuna-qabateynta hubka iyo sidii dowladda dhammaadka sannadka 2024 ula wareegi lahayd amniga dalkeenna.

Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka mid ah Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, oo shir wadatashi ah uu uga furmay magaalada Muqdisho iyaga iyo madaxda dowladda Federaalka, kaas oo lagu gorfaynayo xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka iyo dimuqoraadiyeynta dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Trump oo warqad hanjabaad ah Imaaraadka ugu dhiibay Ayatulahi Khamenei

Cabdi Cade

Elon Musk oo Dacwad ka gudbinaya Microsoft iyo Waxa uu ku heesto oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---