Allbanaadir.com
NEWS

Sudan oo kahor-timid Bayaankii Adis Ababa kuna hanjabtay in ay ka baxeyso IGAD

Dowladda Sudan ayaa si adag uga hor-timid qorshe la doonayo in ciidamo shisheeye lagu geedo dalkeeda, si ay u kala dhax galaan ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega ee dagaalamaya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ayaa kahor timid bayaankii ka soo baxay shirkii ay guddiga Urur-gobaleedka IGAD ugu qaabilsan xalinta colaada dalkaasi labo maalin kahor ku yeesheen magaalada Adis Ababa.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ayaa lagu cadeeyay in aysan marnaba aqbali doonin in ciidamo shisheeye oo nabbad ilaalin ah cagta soo dhigaan carrada Sudan.

Dowladda Sudan ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka fiirsanayaan in ay isaga baxaan kamid ahaanshaha xubannimada urur goboleedka IGAD , haddii la ixtiraami waayo rabitaanka dowladda iyo shacabkeeda.

Dhinaca kale dowladda Sudan ayaa soo dhaweesay shirka magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar beri oo Khamiis ah uga furmaya Madaxweynayaasha dowladaha deriska la ah Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Xuska Maalinta 20-ka Disembar oo ku beegan..

Caydiid Ali

Ciidamada Danab oo howgal qorsheysan ku dilay Cali Garweyne iyo ilaalo la socotay

Caydiid Ali

(Sawirro) Cali Guudlaawe oo doon ku maray deegaano uu ku fatahay Webiga Shabelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---