Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo si adag uga hadlay Xildhibaannada ka maqan fadhiyada BFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si adag uga hadlay xildhibaannada caadada ka dhigtay in ay ka maqnaadaan fadhiyada golaha shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in fadhiyada baarlamaanka mar kasta ay ka maqnaadaan 130-xildhibaan tiro aan ka yareyn, waxa uuna sheegay in aan la aqbali karin in xildhibaannada fasax la’aan maalin kasta ay isaga maqnaadaan.

Waxa uu sheegay Aadan Madoobe loo baahan yahay dhaqan-gelintiisa xeer-hoosaadka golaha shacabka si loola xisaabtamo mudaneyaasha maqan , waxa uuna u mahad-celiyay xildhibaannada joogtada u yimaada kulamada golaha shacabka.

“Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa guud ahaan nahay 275 Xildhibaan, fadhiyada waxaa imaada 145 Mudane halka ay maqan yihiin 130 kale oo aan wax cudur daar ama fasax ah intooda badan laga heyn, Xildhibaanno badan ayaa inta noo yimaadeen nagu dhaheen Guddoomiye maxay u maqan yihiin Xildhibaannadaas waa sax hadalkaas balse waxa ay ahayd in aan annaga dhahno oo aan la xisaabtanno” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in la dhaqan-gelinayo xeer hoosaadka golaha si loo ciqaabo xildhibaannada maqan, waxa uuna tilmaamay in xeer-hoosaadka uu dhigayo in xildhibaankii maqnaadaa fadhiyada golaha  labo sanno fasax la’aan uu xilka weenayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo caawa la caweeyey qaar ka mid ah shacabka Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Amaanka oo soo afjaray Weerarkii lagu qaaday xarunta Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga

Cabdi Cade

Qaybta 4 aad :-Xal ma Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada Qore:- Mohamed Abdi Adan -Xoosh

admin
Taboola Ads ---