Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shir Wadatashi uu la yeelanayo Madax hore (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw Muqdisho ka furay shir wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.

Shirkan oo la qorsheeyay in muddo labo maalin ah socdo ayaa  lagu gorfaynay doonaa xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Al Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana warbixin ka siiyay madaxdii hore ee dalka xaalada siyaasadeed ee dalka ku sugan iyo sidoo kale sida dowladda uu hoggaamiyo u wajaheyso arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Shirka inta uu socdo ayaa madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa kusoo bandhigi doonaan aragtiyadooda ku aadan arrimaha shirka lagu lafa gurayo ay ugu muhiimsan yihiin ammaanka, dib u eegista Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe: “Waxaan isku raacnay in shir kale la isugu yimaaddo Dhuusamareeb”

Caydiid Ali

Cali Xarbi oo cadeeyay Sababtii ku kaliftay in uu dilo Xildhibaan Sir David Amess

Cabdi Cade

Dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudan oo heshiis horu dhac ah gaaray iyo Masar oo shaacisay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---