Allbanaadir.com
NEWS

Madaxdii hore ee dalka oo sii diyaarsaday ajandayaasha ay kala hortagayaan Xasan Sheekh

Waxaa saakay lagu wadaa in hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ka furmo shir wadatashi ah oo u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo qaar kamid ah musharaxiintii xilka kula tartamay iyo siyaasiyiin xilla soo qabtay.

Shirkan ayaana diirada lagu saari doonaa arrimo la xariira qodabdii kasoo baxay shirkii golaha Wadatashiga Qaran ku yeesheen Muqdisho iyo go’aannadii muranka siyaasadeed abuuray ee arrimaha doorashooyinka ee soo saareen.

Siyaasiyiinta la shireysa madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay kulamo hordhac ah sii yeeshay ayaa isla meel dhigay qorshayaal dhowr ah iyo ajandayaal ay kala hortagayaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Masuuliyiintan hore ee kulanka la qaadaneysa maanta madaxweyne Xasan Sheekh ayaa meel kusii qortay qodobada ay diidan yihiin ee ku jira go’aannadii kasoo baxay shirkii wadatashiga iyo qodobada laga maarmaanka ah in isbadal lagu sameeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa la filayaa in siyaasiyiintan miisaanka culus warbixin ka siiyo sida dowladdiisa u dooneyso in ay u wajahdo honnaanka doorashada dalka iyo hir-gelinta qodabadii kasoo baxay shirkii wadatashiga ahaa.

Xubnaha maanta la shiraya madaxweynaha ay ku jiraan Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Cumar C/rashiid,C/weli Gaas, Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Mursal Sheekh. ayaa horey u diiday go’aannadii kasoo baxay shirkii golaha Wadatashiga Qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bilad geesinimo oo la siiyay Axmed Fiiqane & Max’ed Cumar oo qarax isku dhigay

Caydiid Ali

Fanaan xalay lagu toogtay Addis ababa & rabshado xooggan oo ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan qasab loogu gacan geliyey Maxkamada dembiyada ICC (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---