Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo lagu eedeeyay in ay garab ku siineyso Somaliland duqeynta Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah odayaasha dhaqanka Sool ee dagaalka adag kula jira ciidamada maamulka Somaliland, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay garab ku siineyso Somaliland duqeymaha ay Laascaanood ka wado.

Xaflad ka dhacday magaalada Nairobi ayuu Garaadka ka sheegay in dowladda Soomaaliya raali ka tahay duqeymaha lagu garaacayo Laascaanood, waxa uuna si gaar ah farta ugu fiiqay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

“Xukuumadda Soomaaliya ee maanta jirta, afka ka dhowri mayno, waxaan ognahay oo isa soo taraya in iyadu garab ku siinayso maamulka Somaliland duqeynta ay ku wadaan Laascaanood,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Hadalkan kasoo yeeray Garaadka ayaa kusoo aadaya xilli wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland dhawwaan shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka aheyn dadka kula dagaallamaya Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Odayaal Dhaqmeed Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Hey’adda Hormuud (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Waddooyinka Muqdisho qaarkood oo saakay xiran iyo Dadka oo lugta xitaa loo doodayo

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Kumanaan dollar oo la dul saaray koox ka tirsan Al-shabaab oo weeraro la damacsan Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---