Madaxda sare ee hogaamineysa Soomaaliya waxey dhanka wanaagsan u qaadeen tilaabooyin waxtaro waaweyn u leh wanaajinta dowladnimada Soomaaliya, waxeyna tilaabooyinkaas ku cadeeyeen iney ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah musuqa iyo xagjirnimada, iyo iney qabanayaan doorasho qof iyo coda, waxeyna sidoo kale cadeeyeen iney ka dhabeeyeen ficil ahaan hadalkoodii aan gambashada lahayn oo ay bilaabeen tilaabo qaadkoodii kowaad, inta kalena ay jidka ku soo jiraan.
Tilaabooyinkaas la qaaday waxey argagax aan sahlaneyn ay gelinayaan qalbiyada xaaraan-quuteyaasha dhiiga masaakiinta sida malabka u muudsanaya, kuwaas oo sibaabo kala duwan ay noloshoodu ugu tiirsan tahay waxyaabaha ragaadiyey horumar la’aanta dowladnimada dalka, waxeyna dhagarqabeyaashaas ay ku tiirsan yihiin oo ay gabaad ka dhigtaan siyaasiyiin mujrimiina oo xilal sare ka haya hayadaha dowladda, kuwaas oo af beeleed ku difaacaya si aan loo beegsan xadgudubyadooda.
Waxaan shaki lahayn oo aan ahayn wax lala yaabo oo sida badan noqota caado la filayo ayaa ah iney dhacdo in marka talaabooyinka wax lagu fulinayo la qaado iney madax badan si toosa ama si dadban ay u dhibsadaan, iyagoo rumeysan in daadku qaadi doono haddii aysan ka gilgilan dhibka ku soo socda oo ay wataan tilaabooyinkaas ficil ahaan loo meelmarinayo, waxeyna taas uga hortagaan iney u maraan wax kasta oo horseedaya carqaladeynta meelmarintooda.
Xildhibaanada baarlamaanka oo ay ahayd iney ayidaan meelmarinta sharciyada dalka u degsan fulintooda ayaa si deg deg ah u bilaabay qalalaase looga hortegayo iney meelmaraan tilaabooyinka ay qaadeyso xukuumadda, waxeyna fahamsan yihiin in musuqa dabagalkiisa uu ku soo dhamaanayo baarlamaanka oo ah meesha uu ku xoog badan yahay musuqa siyaasadda ee cod iibsiga, waxeyna qaska iyo qalalaasaha u wadaan iney gorgortan ka galaan inaan lagu soo faragelin xasanaadka huwan musuqa oo ay baarlamaanka uga dhex shaqeystaan.
Haddiiba wada shaqeynta hayadaha dowladda aysan diyaar u ahayn iney la jaan qaadaan meelmarinta lagu fulinayo dhaqangelinta sharciyada u degsan dalka oo gaar ahaan xildhibaanadii baarlamaanka oo laga sugayey iney dib u dejiyaan sharciyada dalka ay fawdo ka dhigteen mooshino ay laaluush ku qaataan oo weliba intii ay ku mashquuli lahayeen sharci dejin isku hawlaya meelmarinta musuqa, ayaa waxey sidaas ka lifaysaa iney la gudboonaato madaxda haysa hogaanka dalka iney u horseedaan hogaaminta dowladda hayaan lagu galo geedi loogu kicitimo horsed sahan la’aana.
Waxaa si isdaba jooga u imaanaya tijaabooyin lagu qiimeynayo sida ay dhabta uga tahay ku adkeysiga go’aan qaadashada madaxda sare ee dalka, taas oo haddii la loodin waayo la aqbalayo, laakiinse haddii ay ka helaan daldaloolo meelo ay ka nugul yihiin ay waxaa dhaceysa iney ku dhiiradaan iney fashiliyaan meelmarintooda, waxeyna tijaabada ugu horeysa ay ka imaaneysa sida loola falgalo xildhibaanada fowdada ka dhex wada baarlamaanka oo haddii ay dhacdo in laaluush lagu dejiyo xasaradooda ay meesha ka baxeyso la dagaalanka musuqmaasuqa iyo hididiilada laga qabo go’aan fulinta madaxda.
Haddii ay dhacdo in siyaasiyiinta laga sugayey iney dowladda kala shaqeeyaan doorashada qof iyo coda oo ay timaado iney ka gaabiyaan doorkooda mucaaradnimo oo ah iney saxaan wixii qaldan, taas oo ah ama iney wax ku kordhiyaan hindisaha ama ay bedelkeeda keenaan mid ka wanaagasan, balse taas bedelkeeda ay dhacdo inaysan labadaas midna raacin oo haddana aysan raali ka ahayn iney talada ku raacaan madaxda hogaanka dalka haysa, ayaa wuxuu cabirka siyaasadaas uu madaxda sare ee dowladda u uu baneynayaa iney la tashi la’aan horumarinta dimoqaraadiyada ay meel mariyaan oo ay dowladda ku hogaamiyaan hayaan aan horseed talo siyaasi mucaarada lahayn
Haddii hayadda sharci dejinta ay noqotay aalad loo soo adeegsado iney madaxda dowladda wakhtiga uga dhameeyaan lugooyo jidgooyo ku ah hiigsiga qorshahooda siyaasadeed ee lagu hormarinayo wanaajinta dowladda, miyeysan u habooneyn madaxda dalka iney dhinac iska dhigaan qaskooda iyo fowdada mooshinadooda oo ay dalka ku hogaamiyaan hayaan aan horseed baarlamaan lahayn.
Haddiiba Puntland oo sooyaalkeeda siyaasadeed ku xardhata iney tahay hooyadii federaalka iyo dastuurka Soomaaliya, haddana isku muujisa iney tahay horseedka doorasho qof iyo coda ama iney tahay macalinka maamul goboleedyada oo ay tahay markasta iney iyada uga daydaan maamulada kale saamaqaadkeeda horimarineed, ayeysanba dan iyo xaajo midna ka lahayn ka talo qaadashada madaxda dalka hogaamineysa oo ay tahay iney kala shaqeyso horumarinta dimoqaraadiyeynta dowladda, miyeysan taas jidka u xaareyn in dalka lagu hogaamiyo hayaanka geediga aan lahayn horseedka sahanka Puntland.
In la taagnaado meel cakiran oo furin dagaala, ceebna ay tahay in xeel dibugurasho gadaal loogu socod, ayaa taas bedelkeeda waxaa dhaanta in hogaanka dalka ay hayaanka geediga horseed sahan la’aana ay ku dheelmiyaan mariin habow la’aana oo ay ku xaqiijinayaan wax ka qabashada qorshahooda siyaasadeed oo ay ku hormarinayaan wanaaga maslaxadda ummadda, tan dalka iyo mida dowladda Soomaaliya, waxeyna taas ay ka turjumeysaa hirgelinta balanqaadyadii ay doorashada ku soo galeen oo laga sugayo hiigsigeeda iney meelmariyaan.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com