Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan dhexmaray Wasiir Huruuse & wafdi uu horkacayo Akramy El Zaghat (Sawirro)

Wafdi ballaaran oo ka socda hay’adda WFDP oo uu hogaaminaayo Ambassador Akramy El Zaghat oo ah Madaxweeynaha WFDP ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Huruse oo ay wehliyaan xoghayaha joogtada ah ee arrimaha dibadda Xamsa Aadan Xaadoow, agaasimaha Waaxda hab-maamuuska Wasaaradda arrimaha dibada Yaxye Yusuf Xaaji Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa wafdiga ka socday hay’adda WFDP ku qaabilay qaybta VIP-da ee garoonka, kulankaas oo ku aadanaa sida hay’addu uga shaqeeyn doonto dalka, iyo sida ay ula falgali doonto wasaaradaha ay quseeyaan hawlaha ay dalka ka qabanayso dhawaan.

Hay’adda ayaa dalka ka fulin doonta mashaariic ay ka mid yihiin inay Soomaaliya kala shaqayso kordhinta maalgashiga, kor u qaadida xirfadaha shaqaalaha, gaar ahaan kordhinta xirfadaha haweenka iyo arimaha Beni’aadannimada.

Golaha Xukuumadu ayaa horey u ansiyey 15-kii bishii Juun in ay dalka ka shaqeyso, iyadoo fadhigeedu uu noqon doono magaalada Muqdisho, maadaama ay hadda xarun ku leeyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Related posts

Daawo Video:-Caruurta ku nool England oo la barayo waxyaabaha GALMADA la xiriira iyo Soomaalida oo ka qayliyay!!

admin

Baxreyn oo u yeeratay safiirkii ka fadhiyey Tel aviv iyo Israaiil oo ka jawaabtay

Caydiid Ali

Musharaxiin iyo ergooyin ku qulqulaya Dhuusamareeb & amniga oo la xoojiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---