Urur goboleedka bariga Afrika ee IGAD ayaa ku baaqay shir madaxeedka gobolka inuu ka fiirsado in ciidamo la geeyo Sudan si ay u difaacaan dadka rayidka ah, kadib ku dhawaad saddex bilood oo rabshado u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo koox dabley ah.
Dagaaladii 15-kii bishan April ka dhacay magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa ku fiday qeybo kale oo ka mid ah dalkaasi, waxaana ka barakacay in ka badan 2.9 milyan oo qof.
Urur-goboleedka IGAD oo ka kooban siddeed waddan oo ku yaalla Geeska Afrika iyo nawaaxigeeda, ayaa kulan ku yeeshay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, si ay u bilaabaan geeddi-socodka nabadda ee colaadda Suudaan.
Balse hindisahan ayaa la kulmay dib u dhac kadib markii wafdi ka socday ciidamada Sudan ay ka baaqsadeen inay ka qeyb galaan maalintii ugu horeysay ee shirarka, iyagoo diiday madaxweynaha Kenya oo ah madaxa guddiga fududeynta wadahadalka.
IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aqbashay inay codsato shir madaxeedka urur goboleedka kale, 10-ka xubnood ee ciidamada heeganka ah ee bariga Afrika, “si ay u tixgaliyaan suurtagalnimada in ciidamo la geeyo ilaalinta rayidka iyo dammaanad qaadka gargaarka bini’aadantinimo”.
Suudaan waa xubin ka mid ah labada dal, si la mid ah Itoobiya, Kenya, Soomaaliya iyo Uganda.
Dadaallada dublamaasiyadeed ee lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo xoogagga taageerada degdegga ah ee RSF ayaa ilaa hadda noqday kuwo aan waxtar lahayn, iyada oo hindiseyaal iska soo horjeeda ay abuureen jahawareer ku aaddan sida dhinacyada dagaallamaya loo keeni karo wada-xaajood.
IGAD ayaa sheegtay inay ka xuntahay baaqashada wafdi ka socda ciidamada Sudan oo ay sheegtay inay horay u xaqiijiyeen inay ka qeyb galayaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada ayaa sheegtay in wafdigu aysan imaan, sababtoo ah IGAD ayaa iska dhego tirtay codsigii ay ku doonaysay in la beddelo madaxweynaha Kenya William Ruto oo ah madaxa guddiga hoggaaminaya wadahadallada.
Ruto “waxaa ka maqan dhexdhexaadnimo xiisadda socota,” ayay wasaaraddu ku sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda. Bishii hore waxay Kenya ku eedaysay inay gabaad siiso RSF.
Xafiiska Ruto iyo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya midkoodna si degdeg ah ugama jawaabin eedeyntan. hase ahatee Dowladda Kenya ayaa sheegtay bishii hore in madaxweynaha dalkaas uu ahaa garsoore dhexdhexaad ah oo si sax ah loogu magacaabay shir madaxeedka IGAD.
Kulanka ka dib, Ruto waxa uu ku baaqay xabbad joojin shuruud la’aan ah iyo in la sameeyo aag bini’aadantinimo – oo ku dherersan 30 kiiloomitir magaalada Khartoum – si loo caawiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo.
Wadahadalladii lagu martigelinayay Jeddah oo ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa la hakiyay bishii hore. Masar ayaa sheegtay in 13-ka July ay martigelin doonto shir madaxeed gaar ah oo ay yeelanayaan dalalka deriska la ah Suudaan, kaasoo looga hadlayo sidii loo dhameyn lahaa colaadda.
Si ka duwan wada-hadalladii ka dhacay magaalada Jeddah, kulanka ka dhacay Addis Ababa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday isbaheysiga rayidka ah oo awoodda la wadaaga milateriga Suudaan ka hor afgambi 2021-ka.
IGAD ayaa sheegtay in iyadoo ay weheliso Midowga Afrika, ay si degdeg ah u bilaabi doonto “habraaca wada shaqaynta rayidka” ee looga golleeyahay in nabad lagu soo dabaalo.