War kasoo baxay kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar is-miidaamin ah uu fuliyay ruux watay gaari wax-yaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray kolonyo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah.
Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkan is-miidaaminta ah uu ka dhacay deegaan kuyaalla duleedka degmada Afmadow , waxa ayna sheegeen in ay la beegsadeen gaadiida ay wateen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa katirsan kumaandooska Danab.
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Talaado ah weerar xoogan ku qaadeen kolonyo ciidamo Maraykan ah iyo kuwa dowladda ah oo ku sugnaa duleedka degmada Afmadow ee wilaayada Jubooyinka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkan qaraxa loo adeegsaday uu ka dhashay khasaaro, mana shaacin Al Shabaab inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxan is-miidaaminta ah ee ka dhacay duleedka Afmadow.
Taliska ciidamada Mareykanka iyo kan dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin qaraxan ismiidaaminta ah ay sheegeen Al Shabaab in maanta ku beegsadeen kolonyo gaadiid ah ay la socdeen ciidamo Mareykan ah.