Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaaradii ku dhacday Muqdisho iyo Dowladda oo ka hadashay

Diyaarad rakaab siday oo leedahay shirkadda diyaaradaha Halla ayaa duhur-nimadii maanta ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana shilkan ka dhashay khasaaro.

Diyaarada shilka ku gashay garoonka Aadan Cadde ayaa kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garawe, waxaana diyaaradan la socday 30-qof oo rakaab ahaa iyo afar qof oo ahaa shaqaalaha diyaarada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista xukuumadda Soomaaliya Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa sheegtay in diyaarada ku dhacday dhabaha diyaaradaha ku ordaan, waxa ayna sheegtay in shilkan kaliya ku dhaawacmeen labo qof oo rakaabka kamid ahaa.

Waxa ay sheegtay wasiirka in ay socdaan baaritaano ku aadan waxa sababay shilkan, waxa ayna beenisay in diyaaradan ay la socdeen R/wasaareyaashii hore ee Dalka Cabdiwali Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

”Diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airline ayaa ku dhacday dhabaha diyaaradaha (Runway Airport). Shilkan wuxuu sababay dhaawaca 2 qof ma jirto wax dhimasho ah. Baaritaanno ay wadaan waax-yaha ku shaqada leh ayaa socda. Diyaarada masaarnan R/wasaareyaashii hore ee Dalka Cabdiwali Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke” ayey tiri wasiirka gaadiidka.

Diyaarada ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa soo gaaray bur bur xooggan, waxaana la badbaadiyay rakaabkii diyaarada la socday, labada qof ee shilkan ku dhaawacmay ayaana loola cararay isbitaal kuyaalla Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Digniin Culus hawada u marisay Dalladaha Waxbarashada ee dalka

Cabdi Cade

Dowladda Somalia oo sheegtay in 80 Al-Shabaab ah lagu laayey degaanka Shabeelow

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo gaaray Dhuuso Mareeb iyo ujeedkooda oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---