Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad ay la socdaan Ra’isul Wasaarayaal hore oo goordhaw kasoo degtay Muqdisho

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad ay la socdaan Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas.

Diyaaradan ay la socdaan masuuliyiintan iyo dad kale ayaa kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garawe, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Masuuliyiintan ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo beri ka furmaya Muqdisho, shirkaas oo ka qeyb galayaan madax hore iyo siyaasiyiin.

Imaanshaha magaalada Muqdisho Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ayaa imaanaya , xilli ay horey usoo baxeen warar sheegayay in diyaarad ay la socdeen ee Hala ay ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Diyaarada ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo iyana kasoo duushay magaalada Garawe ayaa waxaa saarnaa rakaab shacab ah, waxaana diyaaradan soo gaaray khasaaro xooggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Cali Jeyte oo Ballanqaad lacageed u sameeyay Dagaalyahanada Al Shabaab ee …

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisada u dhaxeysa Dowladaha Turkiga iyo Gariiga

Cabdi Cade

Qof baraha bulshada aflagaado ugu geystay nebi Max’ed NNKH oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---