Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo kahor yimid Rabitaanka Madaxweyne Deni

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garawe ee caasimadda Puntland ayaa kahor yimid rabitaanka madaxweyne Siciid Deni.

Labadan Ra’isul Wasaare hore ayaa sheegay  in aysan magaalada Garawe u tagin xalinta shaqaaqadii halkaa ka dhacday dabayaaqadii bsihii Juun , balse u tageen taageerida shirkada Isimada ee Garawe ka dhacay.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Cai Gaas ayaa sheegay in sababta ay Garawe   u tageen isaga iyo mas’uuliyiinta kale ay tahay taageeridda shirka ismada dhaqanka ee looga hadlayay dagaalkii Garoowe iyo sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dhinacyadii dagaallamay.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay si looga baaqsado dagaal dambe in marka hore meesha laga saaro dastuur furista iyo wax ka bedelka , isla mrakaana ay doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

Sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa dhankiisa in khilaafka taagan uu ka dhashay furista dastuurka, waxa uuna xusay in haddiiba wax laga badelayo dastuurka ay tahay in si wada jir ah oo ku saleysan wadatashi wax looga badelo.

Cumar Cabdirashiid ayaa cadeeyay in dastuurka Puntland u degsan aan loogu tala galin in hadba dowladdii timaada ay waxey doonto ka badesho iyadoon cid kala tashan, waxa uuna tilmaamay dhibka taagan uu sabab u yahay dastuur furista.

Labadan siyaasi ayaana si weyn u diidan furista iyo wax ka bedelka dastuurka Puntland, halka madaxweyne Deni uu qarash iyo dedaal badan ku bixiyay wax ka bedelka dastuurka, taa oo keentay in dagaal dhiig badan ku daatay ka dhaco Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo sameeyay magacaabis xilal iyo dad badan oo la yaaban

Cabdi Cade

Xiisad ka taagan Kismaayo iyo Itoobiya & Kenya oo loolan ku jira

admin

Bankiga Horamarinta Islaamka & Hay’adda Samafalka Aadan Cabdulle Cusmaan oo deeq Waxbarasho siinaysa …

admin
Taboola Ads ---