Allbanaadir.com
NEWS

Jens Stoltensberg oo shaaciyay in Madaxweyne Erdogan Aqbalay in Sweden ku biirto NATO

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la sheegay in lagu qanciyay in dalkiisa oggolaado in dalka Sweden ku biirto gaashaanbuurta NATO, Turkiga ayaana si adag u diidanaa in dalkaasi xubin ka noqdo NATO.

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltensberg ayaa sheegay shalay in madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu aqbalay in baarlamaanka Turkiga deg deg ugu gudbiyo meel marinta codsiga Sweden ee ku aadan in NATO ku biirto.

Hadalkan ayuuna ka dhawaajiyay xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltensberg kaddib kulamo uu la qaatay madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo sidoo kale ra’iisal wasaaraha dalka  Sweden .

“Tani waa maalin taariikhi ah, sababtoo ah waxaa helnay ballan-qaadka Turkiga ee ah, inuu ka shaqeeyo ansixinta xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqaynayo sidii golaha baarlamaanku u ansixin lahaa arrintan” ayuu yidhi Stoltenberg.

Turkiga ayaa horey si adag ugu diidanaa in Sweden ku biirto NATO, kaddib markii ay kasoo bixi waayeen sharuudo horey dalkaasi ugu xireen, waxa ay sidoo kale Turkiga ka carroodeen falal xad-gudub ah oo lagula kacay kitaabka Qur’aanka gudaha Sweden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fursado Shaqo oo ka banaan Bangiga Amal Xaruntiisa Muqdisho (Ka Faa’iideyso)

Cabdi Cade

Abaabul xooggan oo ka socda Muqdisho iyo Villa Somalia oo mar kale u baaqday..

Caydiid Ali

Ingiriiska oo 5 Milyan Dollar ku taageeraya Ciidanka Xoogga dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---