Wararka ka imaanaya dalka Jarmalka ayaa sheegaya in dhallinyaro Soomaaliyeed dil iyo dhaawac isugu geesteen dalkaasi, waxaana hadda socda baaritaano ku aadan waxa dilkan sababay.
Magaalada Dresden oo ku taala barriga dalka Jarmarlka waxaa tareen dhaxdiisa lagu dilay wiil asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, halka mid kalana weerarkan uu kasoo gaaray dhaawac.
War kasoo baxay booliiska Magaalada Dresden ayaa lagu sheegay in dilka iyo dhaawaca loo geestay labada nin ee Soomaaliga ahaa uu ka dambeeyay nin kale oo isna Soomaali ah, kaa oo dilka iyo dhaawaca ku geestay toorey.
Booliiska waxa ay sheegeen in wiilka la dilay oo lagu magacaabayay Maxamed Cabdiraxmaan Faarax (Eryato) uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray tooreyda lagu dhuftay.
Ninka Soomaaliga ah ee dilka iyo dhaawaca geestay ayaa ku jira gacanta ciidamada booliiska, waxa ayna sheegeen saraakiisha booliiska in ay baarayaan sababta ka dambeesay dilka iyo dhaawaca.
Soomaalida kunool qaar kamid ah Waddamada Yurub iyo Amerika ayaa qaarkood isku geesta dilal , waxaana waddamo badan ka dhacay dilal ay Soomaali dhaxdeeda isku geesatay ,kuwaa oo keenay sababo kala duwan.