Allbanaadir.com
NEWS

Ukraine oo looga digay Isticmaalka Bambooyin halis ah oo dowladda Mareykanka ugu deeqayso

Dalka Cambodia oo ah Waddan khibrad xanuun badan ka dhaxlay Duqeyntii Maraykanka u adeegsaday Bambooyinka Clusterka muddo haatan laga joogo Nus Qarni ayaa Baaq u dirtay Dowladda Ukraine oo haatan u caaboon Isticmaalka Bambooyinka ay dowladda Maraykanka ugu deeqayso.

Ra’isul-wasaaraha dalka Cambodia, Hun Sen waxa uu fariin u diray Madaxda dalka Ukraine, isagoo ku booriyey inaysan adeegsan Bambooyinka sii kala jajaba ee Cluster Bombs.

RW Hun Sen waxa uu tilmaamay inay khatar weyn ku noqon doonto dadka Reer Ukraine sanooyin aad u badan ama ilaa boqol sano, haddii ay Bambooyinka Clusterka u adeegsadaan Dhulalka ay Raashiya ka haystaan Xuduudaha Ukraine.

Baaqaasi ayaa soo baxay, kadib, markii ay Dowladda Maraykanka ku dhawaaqday Qorshaha ay Ukraine ugu dirayaan Hubkaasi, si ay ugu adeegsadaan Dagaalka ay Milliteriga Raashiya kula jiraan.

Dhanka kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Cambodia, Hun Sen waxa uu soo hadal qaaday Khibradda xanuunka leh ee uu dalkiisa kala kulmay Bambooyinkii Clusterka ee ay Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ku daadiyeen dalkiisa bilowgii sanadihii 1970-aadkii.

Maraykanka waxay Malaayiin Bambooyinka Clusterka ku daadiyeen dalalka Cambodia iyo Laos muddadii uu socday Dagaalkii Vietnam sanadihii 1960-aadkii ilaa 1970-aadkii, Isku-day uu Maraykanka duqeymo la beegsanayey Saldhigyada Dagaalamayaashii Shuuciga (The Communist Bases).

Si kastaba, dalka Cambodia waxa uu ka mid yahay dalalka Caalamka ee sida weyn loo miineeyey, iyadoo waxyeellada Duqeymihii Maraykanka ka geystay dalkaasi ay ku naf waayeen qiyaastii 20,000 qof oo Cambodian ah.

Hawlaha Nadiifinta haraagii miinooyinka ayaa maalin kasta ka socota dalkaasi, iyadoo Dowladda Cambodia sheegtay inay dhamaan miinooyinka iyo waxyaabaha aan qarxin kaga nadiifin doonaan dalkaasi sanadka 2025-ka.

W/T staad Nuradin Abuukar

Related posts

Dadka is daldalay ama Nafta is dhaafinaya oo ku soo badanaya Magaalada London ee dalka Ingiriiska !!(Daawo Video)

admin

Madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash oo mar kale heshiis hoose gaaray

Cabdi Cade

Doorashadii Xubnaha Golaha shacabka ee ka socotay Ceelwaaq oo lagu kala baxay (Sawirro)

Caydiid Ali