Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka DF oo talaabadii ugu horeysay qaaday (Sawirro)

Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed Axmed Siciiid Maxamed ayaa maanta guda galay gudashada waajibaadkiisa shaqo ka dib markii xilka loo magacaabay maalmo ka hor.

Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayo habsami u socoshada howlaha iyo adeegyada ay bixiyaan waxa uu ku  tegay Waaxda Ajaanibta & Fiisooyinka iyo qeybta Socdaalka ee Garoonka Aadan Cabdulle.

Agaasimaha ayaa dhammaan xafiisyada uu booqday waxa uu warbixino kaga dhageystay Agaasimayaasha waaxyaha Ajaanibta & Fiisooyinka iyo Maamulka & Koontoroolka Xuduuudaha iyo Laanta Socdaalka ee Muqdisho, kuwaas oo soo bandigay adeegyada ay u qabtaan bulshada.

Agaasimaha ayaa mid mid isku dul taagay shaqaalaha ka howlgala waaxyahaas uu kormeerka ku marayay, si uu waxbadan uga ogaado shaqooyinka ka socda xafiisyadooda.

Masuuliyiintii waaxyahan ayaa ka mid ahaa saraakiil ka tirsan Waaxda socdaalka oo lagu eedeeyey iney ku kaceen musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Agaasimihii heyadda socdaalka Cabduqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo agaasimihii ka horeeyey Maxamed Aadan Koofi ayaa dalka baxsaday ka dib markii lagu oogay dacwado la xiriira musuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

Musharaxiinta ka horjeeda Axmed Madoobe oo lix qodob hor dhigay beesha Caalamka

Caydiid Ali

Haweeney lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade