Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Xamse oo guddoomiyay kulan looga hadlay diyaar garowga ku biirista EAC

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyay kulan ballaaran oo looga hadlayay u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka Iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee Bariga Afrika (EAC), kadib markii dhowaan la aqbalay codsiga Soomaaliya inay ka mid noqoto Ururkaasi.

Kulanka oo ay ka soo gaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay laamaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu soo bandhigay heerka u diyaar garowga dowladda Soomaaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano ganacsi, dhaqaale iyo isu socod, kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo kordhinaya dhaqaalaha dalkeena. Waxaa uu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay u sahleyso ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada suuq weyn ay kaga faa’iideeystaan inay u iibgeeyaan badeecadahooda, iyadoo aan la canshuurin.

Shirka ayaa waxaa warbixinno ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray codsiga dowladda Soomaaliya, qaabka loo wajahayo wada xaajoodka iyo waxa ay ka qabsan karto Soomaaliya soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Madaxweynaha Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo La taliyaha Horumarinta Ganacsiga ee Ra’iisul Wasaaraha Cabdiqani Jaamac.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn bogaadiyey shaqada ay qabteen Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee kala shaqeeyay hawsha lagu guuleystay ee ku-biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka Bariga Afrika (EAC).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaale oo si kulul uga hadlay qaraxyadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Caydiid Ali

Cumar Cabdi oo la kulmay Wasiir katirsan Taalibaan iyo Balanqaad loo sameeyay !

Cabdi Cade

Abiy Axmed oo si adag uga hadlay Dagaalka Tigrey baaq deg deg ahna u diray Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---