Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo kormeer ku tagay Mashruuca biyo gelinta ee Yoontooy (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta mashruuca weyn ee biyo galinta Magaalada Kismaayo ee deegaanka yoontooy.

In ka badan sodon sano kahor ayay dowladii dhexe ee dalka hirgalisay mashruucan iyadoo dib hada ay u howlgalinayso Wasaarada Tamarta iyo Biyaha Jubaland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Wajiga koobaad ee mashruucan oo hada la gaba gabeeyay iyadoo Wajiga labaad la gudo galay uuna qaadan doono mudo sanad ah in lasoo gaba gabeeyo mashruuca oo dhan.

Mashruucan ayaa biyo nadiif oo laga soo jiiday wabiga Jubba gaarsiin doona in ka badan labo milyan oo qof iyadoo markiiba uu soo saarayo biyo dhan shan iyo toban kun oo meter cubic taas oo dabooli doonta baahiyaha dhinaca biyaha ee Magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay howlwadeenada iyo shaqaalaha ka shaqaynaya mashruucan dhaxalgalka ah isagoo xusay in wax badan uu kusoo kordhin doono hormarka deegaanka.

Related posts

Maamulka & bahda Allbanaadir Online oo shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeynaya Ciidul-fitriga

Caydiid Ali

Maamulka Gobolka Hiiraan oo amaro ku soo rogay heyadaha samafalka

Caydiid Ali

FIFA oo shaacisay lix dal oo wadajir u marti gelinaya Koobka Adduunka 2030 (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---