Allbanaadir.com
NEWS

La Dagaalanka Musuq maasuqa : Sheeko dhax martay Xanfar iyo Jilibdiir !

Xanfar:          Saaxib Jilibdiir, aroor kasta waxaan ku kalahaa busteejada. Mana arko tareenkii Mw HSM u sheegay ummadda Soomaaliyeed, ee xaa dhacy?

Jilibdiir:          Saaxib, tareenku wuxuu ahaa mid Madaxweynuhu ku arkay RIYO. Ee aan ku su’aale’, ma qof safar aadeysa ayaa jirta, iyada oo aanan aqoonin meesha tareenka u socdo iyo  ujeedada safarkeeda?

Xanfar:          Yahuu. Waa maya.

Jilibdiir:          Maqaayadaan dhilqo ayaa jilif ka ah, ee xageyga usoo durug. Dhegahana ii raarici. “Xanta beledka taal waxay leedahay”, Mw HSM wuxuu dib ka soo xasuustay –in Riyadii aysan ku koobnayn Tareen kaliya. Balse, in loo hayaamidoono dhul loogu magacdaray “Ceel-Bajiino”, oo goob barwaaqa ah. Sheekada tafatirkeeda waxaad ka helidoonta dukumentiga “Hiigsiga 2060. Ee Xanfarow, dheelmadka jooji, hana degdegin ee wax hubso.

Xanfar:          Hiigsiga 2060, yaa nool yaa dhintay waaye. Ee halkaas iigu haki. Buuqa iyo sawanka beledka ka yeeraayo ma yaro, xagey iska qaban la’dahay?

Jilibdiir.          Hadda, Madaxweynuhu waxaa miiska u saaran caqabado badan uu SOOJEED ku arakay. Ma ahan kuwii riyada lagu tusay. Caqabadahaas, oo ku hor-gudban Riyadii, Hiigsigii iyo horusocodka dalka.

Tusaale, hawshii iska xureynta Alshabaab, fari kama qodna. Waayo askeri aysan sahaydii iyo agabkii dagaalka u dhameystirnayn, miyaa guul ka keenikara naftii halige, aan waxba dhawranaynin.

Xanfar:          Maya, boogi ha dhaantee. Ma agabki iyo sahaydii ciidanka ayaa la lunsaday?

Jilibdiir:          Si fiican ii dhageyso. Ukuurgal iyo la tashi dheer kadib, Mw HSM wuxuu oggaaday in aanan laga adkaan karin Alshabaab, inta dakhliga dalka, sida; canshuuraha, lacagta khasnadda ku jirta, mushaaraadka, sahayda ciidanka, rasaasta iyo hubka ay xatooyo xad-dhaaf ahi ku socoto. Sidaa darteed, Mw HSM wuxuu ka fursan waayey, in uu furo AAG 2aad.

Xanfar:          Yaayah, hadda iyo AAG 2aad aa’?

Jilibdiir:          La dagaalanka musuqmaasuqa waa AAG 2aad. Waayo ciribtirka musuqa wuxuu lafdhabar u yahay iska xureynta Alshabaab iyo ku talaabsashada Hiisiga 2060. Runtii, dakhliga dalka wuxuu marayaa, “maxay ka nuugtaa, maxaysa ku nuugtaa”. Canshuurtii yareed, waxaa ku qamaamay, iskuna qaboojiyay kuwii lagu aaminay soo ururinteeda iyo keydinteeda. Xanfarow, sow arkimaysid, in riyadii, hiigsigii, iyo la dagaalankii Als, durbadiiba isbaaro loo dhigtay.

Xanfar:          Isbaaro meeqa sano ay na hor tiilay. Hadda iyo kow aa? Ma anigoo da’daan jiro, maa qaxooti noqon kara. Ilaahow naga soo gaar kuwaan?

JIlibdiir:          Xanfarow, Ganacsato iyo garabrarato midna naas uma dihno. Bixin canshuur iyo zakawaat qasab ah, oo is barbar yaac ah, ayey la daalaa dhacayaan. Handadaad iyo cabsigelinna wey u sii dheertahay. Waxay ganacsatadu maalmahaan ku duceysataa, “Ilaahow naga dhig, xabadii messego, ee kal iyo mooy ku dhex bariday,”. Cadaadiskii iyo cabsidii waxay keentay in ganacsato badan ay dalka isaga huleelaan. Lacagtoodii adkeedna ($) aysan ka harin, oo ay la haajirto. Waayahaan dambe, ganacsatadu waxay, si xowli ah, maalgashi ku sameeyaan dalalka Afrika, siiba Kenya, South africa, Zambia, Mozambique, galbeedka Afrika, iwm. Haddii ay heystaan amni sugan, ma aysan carareen. Dalkooda ayey dhisan lahaayeen. Garabrarato kii nasiib leh, ama nasiib daran (waa ninba suu u qaate e’), waxay cadceeda kulul ka galaan hoos-galbeedka daaraha dhaadheer, ee qaarkood lagu dhisay hantidii ummadda laga dhacay.

Dhuudhi, kudkude, kaneeco, dhilqe, injir, boodo, koley ku tahay huunyo, looma kala harin jiqista dhiiga iyo gacan-togaaleysiga jeebabka xalaal quudatada. Dadku waa ay ka xajiimoodaan marka ay maqlaan, ama ay arkaan kuwa canshuurta & zakawaatka gura. Waayo, waxay u arkaan bililiqo, dhac & awood u sheegasho. Maxaa yeelay, lacagti jeebkooda way ka baxaysaa, misna khasnadii dawladda ma gaarayso. Haddii ay ku dhacdana, inta badan, si sharci  ah ugama baxayso.

Saboolka, barakacayaasha iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, warkood haba sheegin, “cidi uma maqna, ceelna uma qodna”. Xoogsatadii, beeraleydii iyo xoola-dhaqatadii waxay la gasariirayaan baad/boob iyo cagajugleyn joogta ah. Qaarkood waxay doorbideen in ay nolol ka raadshaan xeryaha barakacayaasha. Qaarna badaha ayey ka talaabeen. Gargaarka loo soo diro barakacayaahsa, wax yar ayaa garaa. Waayo, dhexda waxaa u taagan arxan-laawayaal masaakiinta ku dul nool. Sidaa darteed, Mw HSM wuxuu bulshada u diray qeyladhaan, si dhiigmiiratada iyo khawaarijta is-biirsaday looga badbaadiyo nafta, maalka iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed. Xanfarow taas darteed;

  1. Madaxweyne HSM wuxuu kabaha u iladay in uu horseed u noqdo dhammaan hawlaha hortebinta leh ee DF.
  2. HSM wuxuu cod dheer ku sheegay in Al-shabaab dagal saf-balaaran ah lagu qaado. Wuxuu ku dheerigeliyay ciidamada iyo beelihii lagu dul habsaday in ay ku kacaan, iskana kiciyaan Als.
  • In la xoojiyo xasiloonida guud ee siyaasadda dalka lagu hoggamiyo;
  • In la gufeeyo galdaloolada ka dhex jira hay’adaha dawliga ah, lana xaliyo ismaandhaafka idaariga ah & colaadaha ka dhex aloosan beelaha qaar;
  • In la dhuu-dhuujiyo hadba xarigi ka dabca dhanka DF, dhanka Dawlad Goboleedyada iyo xiriirka dibadda. Xitaa Madaxweynuhu, wuxuu isku hawlay in uu la tashado Madashii hore ee Musharixiintii isku magacaabay Saamilayda Siyaasadda!
  • In la soo qab-qabto lana maxkamadeeyo tuugada nayla jaliska ah;
  • In laga feejignaado tabcadda shisheeyaha damacsan in ay Soomaaliya boqnaha uga jaraan qoprshayaal halis ah.
  1. In lala faltamo caalamka iyo dawladaha Soomaaliya saaxibka dhaw la ah. Mw HSM wuxuu culeys xoog leh saaray in la gaaro isku filnaansho dhanka amniga (in Soomaaliya ka maaranto ciidamo shishiiye). Si degdeg ahna ay ula wareegto sugitaanka amniga dalkeeda.

Xanfar:          Yaayah, Jilibdiirow dadku dacaayad badanaa. Waxaan maqlaa dad badan (khaasatan kuwa social media-ha), oo shaki weyn ka muujiyey, in ay Madaxweynuhu dhab ka tahay la dagaalanka Musuqa, iyo inkale.

Jilibdiir:          Xanfarow ogow, Madaxweynuhu la dagaalanka musuqa wuxuu marar badan ka dhex iclaamiyey Masaajidyo (Beytulaahi). Waxaa kale, ee aad ogaataa in Mw HSM uu qaatay istraatijad daahsoon, si uusan u fashilmin qorshaha la dagaalanka musuqa. Si farsamo ah, ayuu dib ugu dhigtay; ka jawaabista tuhunka laga qabo saaxibadiis iyo eheladiisa qaar. Waxaad arki doontaan, hadii Alla idmo, saaxibo iyo ehelo aad ugu dhaw Madaweyne HSM, oo la soo taagay maxkamad. Iyo Madax sar sare ee musuq lagu soo eedeeyay, kadibna ay maxkamadi xukun ku riday. Haddaba, Xanfarow dulqaad muuji, hana la sugo natiijada dadaalka Madaxweynaha, ee ku aadan la dagaalanka musuqa. Yaan laga hordhicin. Yaan Madaxweynaha lugaha loo qabanin cadawga Soomaaliyeed. Wax ha la hubsado.

Xanfar:          Waa talo fiican. Waxaanba ogahay in Mw HSM uu yahay Madaxweynaha kaliya burburka kadib, ee dharaar cad go’aansaday, fagaarayaal badanna uga dhawaaqay, in ay ka go’antahay “la dagaalamka musuqmaasuqa. Waa run,  Madaxweynaha wuxuu shacabka uga baahan yahay hiil, garab istaag, iyo in shakiga iyo dacaayadaha la joojiyo. Kii awalba mucaarad ahaa hortiisa. Waa fasax. Laakiin dadka yaan been loo sheegin.

Jilibdiir:          Xanfarow, wax aan dawlad ahayn, dawlad la’aanna ahayn, in muddo 33 sano ka badan lagu sii dhex noolado, waa dulinimo iyo dalka ha lagu kala tago. Ethiopia, South Sudan, Ruwanda, Liberia, Sierra leon, Iraq iyo dawlada badan, oo kale, ayaa muddo kooban uga soo kabtay buruburkii ka soo gaaray dagaalo sokeeye. Soomaalidu ma waxay ka soo jeedaa isir/sinji aad u xun, ee aan dawladnimaba u qalmin, oo fitnada ku bulaala?

Xanfar:          Hah, hayga dhaamin dadkeyga. Soomaalidu waa dad aad u dun wanaagsan. Oo Ilaahay ku manneystay dhaamaan shuruudaha aas-aasiga u ah qaranimo {hal diin (Islam), dhaqan suuban, isir, af, deegaan, barri & bad kheyraadku ceegaago, iwm}. Waxay u baahan yihiin habsami ugu dhaqanka nidaamki ay ku heshiiyaan, Jawiyah. Iyo hoggaan xaqsoore ah, karti badan, adkeysi iyo aragti fog leh. Madaxdiisuna ka caagan tahay laaluushka, qabyaaladda iyo kala faquuqa beelaha Soomaaliyeed.

Jilibdiir:          Xanfarow, aan dhowrno dhaankii maqnaa, wax uun bow soo dhicine. Dhab u xisaabtan baa xigi iyo jeelal derbiya dhaadheer. Kalidii dhergana ha loo sheego,  in da’yar badan u dhimatay baahi iyo cuduro la daweyn karo.

Qore: Md Abdulkadir N. Aarale  (wasiir & xildhibaan hore)

Fadlan faalada ku soo hagaaji: email. anarraleh@gmail.com

 

 

Related posts

Musharax Cali Ciid oo kusii jeeda Dhuusomareeb iyo diyaar garow lagu soo dhaweenayo oo Socda

Cabdi Cade

Akhriso :Barnaamijka Siyaasadeed ee Ra’isul Wasaare Xamse Barre dalka ku maamulayo

Cabdi Cade

Galmudug oo si kulul uga hadashay shacabkii lagu dilay tuulada Xirsi Lugey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---