Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ayaa xilka ka qaaday labo wasiir oo katirsanaa maamulkiisa waxa uuna magacaabay wasiirro cusub.
Wareegto uu soo saaray madaxweyne Guudlaawe ayuu ugu magacaabay Mudane Xasan Cabdi Yuusuf Wasiiru-dowlaha Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabeelle, Isagoo sidoo kale Mudane Ilyaas Yuusuf Ibaahin u Magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.