Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda ciidamada oo saakay xukun adag ku riday Yuusuf Duqow Xuseen oo lagu helay in uu…

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo lagu helay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Ninkan ayaa maxkamadda ciidamada u sheegay in ii kooxda Al Shabaab kaga biiray deegaanka Buur-Eylo oo degmada Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray bishii Lacag dhan $70 ah.

Yuusuf Duqow ayaa Al Shabaan usoo wareejiyeen magaalada Muqdisho, waxaana la dejiyay guri kuyaalla xaafada Ceeltimir ee degmada Dayniile, waxaana ninkan loo xil saaray in uu Muqdisho ka fuliyo dilal iyo qaraxyo bambaanon

Ciidamada ammaanka ayaa 14kii  May sannadkaan  gacanta ku dhigay Yusuf Duqow, kaddib markii uu bambo ku tuuray   Waaxda Labaad ee degmada Hodan.

Related posts

Boqolaal Xujay Soomaali ah oo aan gudan acmaashii Xajka iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Maamul goboleed mamnuucay gaadiidka uga yimaada dhinaca Muqdisho

Cabdi Cade

Duq magaalo oo dad badan ka yaabsaday iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---