Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo sameeyay howlgal ay ku baacsanayaan Al Shabaab (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa deegaanno dhowr ah oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, ka sameeyay howlgalo balaaran oo ay ku baacsanayaan dagaalamayaal katirsan Al Shabaab .

Howlgalkan ayaa si gaar ah ciidanka xoogga dalka uga sameeyeen deegaannada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo, waxaana deegaannadan la shegay in ay joogeen xubno katirsanaa Al Shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in howlgalka ciidamada sameeyeen intii uu socday lagu soo qab qabtay dad lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin dagaalyahannada Al Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheesan xilliyada qaar ka sameeya deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, deegaannadaasi ayaa lagu arkaa xubno katirsan Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rug Caddaa Saxaafadeed oo maanta ku geeriyooday magaalada London (Akhriso Taariikh Nololeedkiisa)

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi iyo Taliye Asad Diyaano oo kawada hadlay Istaraatiijiyad amni

Cabdi Cade

Meydka socda ee magaalada Muqdisho iyo musiibada taagan !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---