Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka Jimcihii ka fuliyeen gudaha Syria ku dileen Osama al-Muhajer , oo ahaa hogaamiyihii kooxda Daacish ee bariga dalka Syria.
Bayaan kasoo baxay taliska dhaxe ee ciidamada Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay dhimashada Osama al-Muhajer, Mareykanka ayaana sheegay in ay ka go’an tahay sii wadida dagaalka iyo beegsiga ka dhanka ah kooxda Daacish.
âWaxaan cadeeneynaa inay naga goâan tahay in aan sii wadno in Daacish looga adkaado gobolka oo dhan, kooxdan waxay weli khatar ku tahay gobolka iyo meelo kale oo ka sii fog,â â ayuu yiri madaxa taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) General Michael Kurilla.
Dowladda Mareykanka ayaa duqeymo kala duwan ay ka fuliyeen gudaha dalalka Syria iyo Ciraaq waxa ay ku dileen hoggaamiyaal sar sare oo katirsan kooxda Daacish, waxa ayna Mareykanka wali wadaan in ay beegsadaan hoggaamiyaasha kooxdaasi.