Goob ay xaflad ku dhiganayeen dad kasoo jeeda dalka Eritrea kuna taalla magaalada Giessen ee dalka Jarmalka ayaa lagu qaaday weerar , waxaana weerarkan kaddib dhacay dibad baxyo rabshado watay.
Dad carreesan oo dibad baxayaal ah ayaa weerar ku qaaday goobta xafladda lagu qabtay magaalada Giessen, dadkaas ayaa sheegay xaflada aheyd mid lagu buun buuninayay kaligii-taliska haya talada dalka Eritrea.
Ciidamo badan oo katirsan booliiska dalka Jarmalka ayaa gaaray goobta xaflada ka socotay , waxa ayna ciidamada dibad baxayaasha u adeegsadeen biyaha basbaaska lagu daray iyo budad ay ku garaacayeen.
War kasoo baxay booliiska Jarmalka ayaa lagu sheegay in dibad baxayaasha ay tuurayeen dhalooyin jajabn iyo dhagxaan, waxaana rabshadahan intii ay socdeen booliiska uga dhaawacmay 26-asakri.
Ciidamada ayaa sidoo kale xabsiga dhigay qaar badan oo kamid ah dadkii dibad baxa dhigayay, sidoo kale weerarka ku qaaday goobtii ay ka socotay xaflada ay dhiganayeen dadka kasoo jeeda dalka Eritrea.