Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan oo gaaray Heshiis Is-Faham iyo Abuu Mansuur oo..

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Somalia, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo dhigiisa dalka Sudan, Al-Ustaad Cabdi-Alcadah Axmed Cabaas  ayaa sheegay inay ku heshiiyeen inay kala saxiixdaan Heshiis Is-Faham ee Labada Wasaaradood.

Kulan ay Labada Wasiir shalay oo Sabti ahayd ku yeesheen xarunta xafiiska arrimaha Xujeyda Sudan ee magaalladda Maka Al-Mukarama ayaa waxay si wadajir ah uga wada xaajoodeen xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga labada Wasaaradood ee Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Kulankaasi kadib, wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Sudan oo soo saaray war saxaafadeed ayuu ku sheegay inay isaga iyo dhigiisa Somalia isku waafaqeen inay kala saxiixdaan heshiis is-faham  ee Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta labada dal iyo in diyaarinta barnaamijka lagu fulinayo qoddobada lagu heshiiyey.

Labada Wasiir waxay kaloo isku raaceen inay labada Wasaaradood is-dhaafsadaan booqashooyin heer sare ah iyo in la iska kaashado hawlaha si loo aqoonsado Imaamyada, tayeynta aqoonta daaciyiinta iyo guud ahaan Culuunta Diiniga.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Sudan waxa uu carrabka ku dhuftay inay Wasaaraddiisu diyaar u tahay inay khibradooda ku wareejiyaan dhismaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Somalia, Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sheegay inay Wasaaraddiisu curdan tahay, iyadoo horey u hoos tegi jirtay Wasaaradda Caddaalada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Waxa uu intaasi ku daray inay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta haatan noqotay Wasaarad gaar u taagan, loona baahan yahay khibradda Sudan si loo dhamaystiro dhismaha haykalkeeda, gaar ahaan arrimaha Xajka, Cumrada, Fiqhiga Islaamka, Sakada iyo wixii soo raaca.

W/Q Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiliga la qabanayo doorashada kursiga uu baneeyay RW Xamsa oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxtooyada oo ka hadashay Wararka sheegaya in R/W Kheyre is casilayo !!

Cabdi Cade

Taliye Indho-qarshe & Saraakiisha Turkiga oo qodobo xasaasi ah ka wada hadlay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali