Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay howlgalada dalka lagu xoraynayo, dardar galinta mashaariicda socda iyo qodobo kale.
Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada ay wadaan Ciidamada kala duwan ee maamulka Jubaland iyo xooga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhabar jab xoog leh lagu gaarsiiyay Kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta la wareegay degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose, iyadoo halkaas khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay kooxda Al Shabaab.
Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay dardar galinta mashariicda Dowlada ee Hada socda sidii qiimayn buuxda loogu samayn lahaa isla markana loo hubin lahaa gaba gabada inay u fuleen sidii loogu tala galay iyo bilowga mashariicda Cusub sidii ay u noqon lahayeen Kuwo taabo gala.
Golahu waxaa kale oo uu ka hadlay sidii mashariicda kala duwan ee Dowlada loo gaarsiin lahaa gobolka Gedo isla markana bulshada deegaanka ay u heli lahayeen adeegyada kala duwan iyo shaqada laamaha kala duwan ee Dowladu ay bulshada u hayaan.