Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka & xulafadiisa oo isku khilaafay hub halis ah oo la siiyey Ukraine

Dhowr ka mid ah xulafada Mareykanka ah ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin go’aanka Washington ay Ukriane ku siineyso hubka Cluster bomb.

Hubkan ayaa caadi ahaan sii daayo bambooyinka yaryar oo badan oo si aan kala sooc lahayn wax uga dili kara aag ballaaran.

Mareykanka ayaa xaqiijiyay inuu hubkan muranka dhaliyay u diray Ukraine, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu ku tilmaamay go’aan aad u adag.

Qaar kamid ah xulafada Mareykanka sida, UK, Canada, New Zealand iyo Spain ayaa dhamaantood sheegay inay ka soo horjeedaan adeegsiga hubkaas.

Hubkan ayaa waxaa mamnuucay ku dhawaad 100 wadan, waxaana la sheegay inuu yahay hub halis ah oo aan la xakameyn karin marka la isticmaalo.

Dhinaca kale, Gantaalo uu Ruushku Sabtida ku garaacay magaalada Lyman ee bariga Ukraine ayaa waxaa ku dhintay siddeed qof, iyadoo 13 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine.

Wasaaradda ayaa sheegtay in guri deegaan ah, dabaq ku dhegganaa oo madbacad ah, iyo saddex baabuur ay ku gubteen weerarka.

Pavlo Kyrylenko, oo ah gudoomiyaha gobolka Donetsk ee ay magaalada Lyman ku taallo ayaa sheegay in abaaro tobankii subaxnimo ee ciidanka Ruushku dhowr gantaal ku dhufteen magaalada.

Lyman, oo ah xarun weyn oo tareenada ah ayay ciidanka Ruushku horey u qabsadeen laakin bishii October ayay gacan ku heynteeda dib ula wareegeen ciidamada Ukraine.

Sarkaal ka tirsan adeegga gurmadka deg dega ah oo ku sugan magaalada uu Ruushku maamulo Oleshky ee koonfurta Ukraine oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa sheegay in laba qof oo rayid ah ay ku dhinteen dab habeenkii xalay ka kacay magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Nuxurka Khudbadii Goordhaw Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Maraykanka oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Qaraxyo Xooggan oo goordhaw lagu weeraray Hotelka Hayaat iyo Rasaas xilligan la maqlayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---