Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mas’uul ka goostay Maamulka Somaliland oo u galay Xoogaga SSC, kana hadlay..

Guddoomiyihii hore ee Somaliland u qaabilsanaa gobolka Gebiley, ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu isaga baxay maamulka Somaliland, kuna biiray xoogaga SSC

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay inuu haatan ku sugan yahay deegaanka Kalabeydh oo koofur ka xiga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

“Safarkan waa mid aan idinku caddeynayo inaan ka baxay maamulkii Somaliland ee aan ka tirsanaa ee aan la shaqeynayay. Waan ogaa dadkeygu weligood ma taageersaneyn Somaliland,” ayuu yiri.

Wuxuu Somaliland ku eedeeyay inuu duqeyn ku hayso dadkiisa, oo uu kala jeedo dadka kasoo jeeda magaalada Laascaanood taasoo uu sheegay inuu u dulqaadan waayey.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Bishii January sanadkii 2019 u magacaabay Cabdiqani Maxanuud Jiidhe guddoomiyaha gobolka Sool. hase ahaatee sanadkii 2021, ayuu Madaxweyne Biixi xilalka guddoomiyenimada u kala beddelay isaga iyo guddoomiyihii Gebiley dhowr bilood ka hor ayuu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday Cabdiqani Jiidhe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Senator Cabdi Qeybiid oo ka hadlay Howlgalkii Ciidamo katirsan Dowlada Gurigiisa galeen

admin

Duqeymo culus oo galabta illaa caawa ka socda degaano ka tirsan gobolka Mudug

Caydiid Ali

Wafdi ka socday Masar oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Puntland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---