Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xeer Ilaalinta Qaranka oo Mas’uuliyiin hor leh u xirtay Musuq iyo baaris socota

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyey iney sii korodhay tirada dadka loo xiray illaa hadda kiisaska musuqa ee ka dhex jira heyadaha DF qaarkood.

Sida uu xaqiijiyay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka 10 Masuuliyiin horleh ayaa xabsiga la dhigay Baaris ayaana ku socota halka laba masuul ay baxsad ka yihiin Cadaaladda.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in 40 ruux loo qabtay Musuq, 18 ka mid ahna Eeddooda Maxkamadda loo gudbiyay 12 kalena ay Baaris ku socota

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad afartan ruux oo ku eedeysan inay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed” ayaa lagu yiri qoraal laga sii daayey warbaahinta DF

Afartanka Ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed sida ku xusan qoraalka, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh.

Related posts

Xeer Ilaalinta Qaranka oo baaris ku wada Shirkado sameestay Dukumiintiyo been abuur ah

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Garawe iyo sida hadda xaalku yahay

Cabdi Cade

Qarax dhimasho badan geystay oo lala eegtay Ciidamada Kenya & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---