Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin Soomaali ah oo Soomaali kale ku dilay Dresden & faahfaahino ka soo baxaya

Magaalada Dresden ee dalka Jarmalka waxaa maanta oo Sabti ah gelinkii hore lagu dilay nin ka mid ah Soomaalida dalkaas ku dhaqan

Maxamed Cabdi Faarax (Abwaanka) ayaa waxaa dil bareer loogu geystay gudaha tareen ka shaqeeya magaaladaas xili uu ku sii jeeday hoygiisa

Ninka dilka geystay oo magaciisa lagu soo koobay Cawaale ayaa mindi qoorta ka geliyay marxuumka oo isla goobtaas ku qur baxay sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen.

Booliska magaalada Dresden ee dalka Jarmalka ayaa la sheegay iney gacanta ku dhigeen ninka dilka geystay, ayna wadaan baaritaano la xiriira dilkan.

Weli lama oga sababta ka dambeysay dilka uu ninkan Soomaaliga ah u geystay Soomaaliga kale, waxaana arintan si weyn u hadal haya Soomaalida ku dhaqan dalka Jarmalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayax Gacmeed aad ugu dhawaanaya Qoraxda oo hawada sare loo diray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qoorqoor oo lacag ku abaalmariyay saddex wiil oo guul u keenay Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Cudur halis ah oo ka dilaacay galbeedka Afrika iyo WHO oo war ka soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---