Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay xiisada ka dhalatay doodda ka taagan Baarlamanka.
Buuq iyo sawaxan ayuu ku dhamaaday maanta kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha ay keeneen mooshin ay ku diidan yihiin qorshaha Xukuumadda ee Wasiirada lagu horkeenayo Golaha si loola xisaabtamo.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in Wasiir aanay u yeerin, aysana diyaar u aheyn in Golaha la iska keeno warqado ku qoran Jadwal Wasiirada ku hor imaanayaan Golaha Shacabka.
Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa taageeray baaqashada kulankii maanta, isaga oo sheegay in goluhu uu ka hortegay qorshe laga soo abaabulay xafiiska RW kaasoo aan waafaqsaneyn habka uu u shaqeeyo golaha shacabka.
HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY XILDHIBAANKA.
Haddii aan nahay Baarlamaanka JFSÂ waxaa waajib nagu ah in aan ilaalino sharciga dalka iyo xeer-hoosaadka inoo qoran, kaasi oo ina faraya dhammaan wixii waajib ah iyo habka aan u gudano shaqadeena.
Waxaase maanta Baarlamaanka ay cod-dheer ku diideen in wiil meel iska fadhiya uu inoo yeeriyo shaqadeena iyo sida aan u qabsaneyno. Waana rajeynaya inay kooxda soo abaabushay sharci-daradaasi ay maanta naga qaateen Cashar fiican oo ay ku kala barteen waxan nahay iyo waxa ay naga filayeen.
Hay’addaha dowlada midkasta shaqadeeda in lagu tixgeliyo, oo looga danbeeyo ayaa la rabaa, ee hay’ad mid kale uma qori karto shaqadeeda.