Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa muujiyay dareenkiisa ku aadan khasaaraha hantiyeed ee soo gaaraay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hanti beelay dadbii qabsaday suuqa Jigjiga.
Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu murugada kula qeyb saday dadkii ku hanti beelay dabka xalay gubay qeybo kamid ah suuqa Jigjiga, waxa uuna Farmaajo garab istaag u muujiyay walaalaha reer Jigjiga.
“Waxaan murugada la qaybsanayaa, si weyna u garab taaganahay walaalaha reer Jigjiga ee xilligan adag ku jira. Waxaan Allaah beddel khayr qaba iyo caafimaad degdeg ah u weydiinayaa ganacsatada ku hanti beeshay iyo shacabka ay waxyeelladu ka soo gaartay dabka ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Jigjiga.”
Farmaajo ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ay caawiyaan garab istaagna u muujiyaan walaalahooda ku hanti beelay dabkii xalay baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Jigjiga.
“Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee caanka ku ah is caawinta iyo isu damqashada xilliyada adag waxaan ugu baaqayaa in ay si weyn ugu gurmadaan oo ay gacan walaalnimo u fidiyaan ganacsatada iyo shacabka ay waxyeellada hantiyeed iyo midda nafeed ka soo gaartey masiibadaas.”