Allbanaadir.com
NEWS

Nin beeraleey ah oo adeegsaday calaamada suulka oo lagu ganaaxay lacag badan

Adeegsiga calaamadda suulka la taagayo ayaa cawaaqib xun ku yeelatay nin beeraleey ah oo ku nool magaalo kutaalla waddanka Canada, kadib markii uu uga jawaabay heshiis loo soo diray.

Chris Achter ayaa ku guul daraystay inuu daabulo 86 tan oo ah xabuubka qamadiga taas oo Kent Mickleborough oo iibsada qamadiga uu doonayay inuu iibsado sanadkii 2021 kii taas oo keentay in laga qaado tallaabo sharci.

Mickleborough ayaa usoo diray ninkaan beeraleyda ah qoraal heshiis oo dhahayay: ” Fadlan xaqiiji heshiiska xabuubka qamadiga” taas oo uu Achter ugu jawaab celiyay calaamadda suulka.

Mickleborough wuxuu u qaatay in ay calaamaddu ay ka dhigan tahay in heshiiska uu aqbalay Achter, balse Acchter ayaa marnaba gayn xabuubkii laga sugayay.

Inkasta oo ninka beeraleyda ah uu ku doodayo in calaamadaas aysan ka dhignayn aqbalaad haddana garsoore ayaa ku xukumay inuu bixiyo $61,000 oo doollar Maraykanka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ka badan 200 oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeyn ka dhacday Yemen

Caydiid Ali

Guddoomiye degmo oo caawa lagu weeraray Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Ergeyga Madaxweynaha ee Gurmadka abaaraha oo balan-qaad ka helay..(Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---