Maxkamad kutaalla dalka Mareykanka ayaa xukun adag oo xabsi ah iyo magdhaw ku riday Wiil 17-sanno jir ah oo lagu helay in garaacis iyo jir dil xooggan ku dilay macalimadiisa iskuulka.
Willard Miller, oo ahaa arday wax ka dhiganayay iskuul kuyaala gobolka Iowa ee dalka Mareykanka ayaa lagu helay in ay garaacis ku waday macalimadiisa oo lagu magacaabo Nohena Graber ilaa ay ka geeriyooto.
Wiilka dilka u geesatay macalimadiisa ayaa la sheegay in uu ka carrooday natiijo uusan ku farxin uu ka keenay imtixaanka, waxa uuna wiilkan qiratay in isagu ka dambeesay dilka macalimada.
Maxkamada kiiskan qaadeysay ayaa Willard Miller ku xukuntay xabsi daa’in iyo in uu bixiyo lacag magdhaw ah oo gaareysa $150,000 (£117,000), lacagtaan ayaana la siinayaa ehelada macalimada geeriyootay.
Macalimada garaacista lagu dilay oo lagu magacaabo Nohena Graber ayaa asal ahaan ka soo jeeday dalka Spain, waxaana dilkeeda hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Mareykanka .