Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Qabiilada & Magacyada 18ka xubnood ee Xeer Ilaalinta Qaranku soo eedeysay

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamuud ayaa maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey dacwad ka dhan ah 18 sarkaal oo loo haysto eedo kala duwan.

Eedaha loo jeediyey saraakiishan ayay ka mid yihiin xatooyo xoolo dadweyne, been abuur dokumenti, musuq-maasuq, lunsasho iyo leexsasho xoolo dadweyne, ka faa’iidayaysi xafiis dawladeed, iyo dayacaad waajibaadka saarnaa.

Eedaysanayaasha ayaa isugu jira sagaal eedaysane oo xiran iyo sagaal eedaysane oo maqane ah.

Dadka lasoo eedeyey ayaa ah saraakiil haysay maamulka dhexe sida agaasimayaal, madaxda ka tirsanayd laanta socdaalka iyo jinsiyadda, canshuuraha, ruqsad siinta ajaanibta iyo xilal kale.

Jooge/xiran

1- Cabdullaahi Maxamed Cali  (Shiikhaal)

2- Maxamed Cadde Mukhtaar (Banaadiri)

3- Cabdullaahi Maxamed Cosoble (Murusade)

4- Cumar Macallin Kutiin  (Abgaal)

5- Saabir Xasan Cabdi Nuur (Habar Gidir)

6- Aadan Maxamed Cabdi (Mareexaan)

7- Abubakar Maxamed (Abgaal)

8- Cabdiqaadir Cabdi Socdaal (Murusade)

9- Maxamed Aadan Cabdullaahi (Isaaq)

Maqane/baxsad.

1-C/raxmaan Cabdikariin Ibraahim (Shiikhaal)

2- Cabdullaahi Daahir Weheliye (Abgaal)

3- Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim

4- Muxiyadiin Xasan Jurus Saabey (Abgaal)

5- Maxamed Idiris Axmed(Abgaal)

6- Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) (Habar Gidir)

7- Cabdiqaadir Cilmi Cali (Habar Gidir)

8- Maxamed Cali Caadle (Abgaal)

9- Abubakar Xasan Aadan (Habar Gidir)

Xeer ilaalyaha ayaa ugu baaqay maxkamadda inay soo muddayso dhagaysiga dacwadda loo haysto eedaysanayaasha.

18 eedaysane ee Musuq maasuq lagu eedayay iyo qabiilada ay ka soo jeedaan.

Waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa magacyada iyo qabiilada ay ka soo kala jeedaan ragga la soo eedeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda sare iyo taliyaasha ciidamada Iran oo difaac adag galay xilli laga cabsi qabo in ….

Cabdi Cade

Ciidamada Kenya oo heegan sare la galiyay kaddib Hanjabaadii Al Shabaab

Cabdi Cade

Tartanka Wadaag Cup ee Muqdishu Cable Tv oo jaamacadaha Muqdisho loo qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---