Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mucaaradka Kenya oo ku baaqay dibed baxyo cusub iyo xiisado ka taagan Nairobi

Taageerayaasha Isbahaysiga Mucaaradka Kenya ayaa maanta lagu wadaa inay dalkaasi ka dhigaan dibad-baxyo ballaaran oo ay uga soo horjeedaan dowlada.

Dibed baxa ayaa lagu diidan yahay sare u kaca maciishadda iyo sidoo kale sharcigii canshuur kordhinta dalkaasi ee uu madaxweyne Willim Ruto dhowaan saxiixay.

Amaanka caasimadda Nairobi ayaa aad loo adkeeyay, ayadoo Ciidamada booliskuna ay diideen in dibadbaxyo sharci darra ah lagu qabto caasimadda Naiorbi iyo magaalooyinka kale ee Kenya.

Ganacsatada Suuqa xaafada Soomaalida ee Islii- waxay sheegeen in ganacsigoodu uu furan yahay balse ay taxadarayaan iyagoo wadashaqeyn ka helaya laamaha amaanka Kenya.

Isbahaysiga Mucaaradka Kenya oo uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa cadaadis ba’an ku haya dowlada tan iyo markii looga guuleystay doorashooyinkii Madaxweynaha ee dalkaas ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Video:- Sida yaabka leh ee shimbiruhu qiyaanada isugu sameeyaan

admin

Muqdisho: Gacan ka hadal ka dhashay kursi lagu murmay oo dhimasho & dhaawac sababay

Caydiid Ali

Madaxweyne William Ruto oo xil cusub u magacaabay Uhuru Kenyatta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---