Maxkamad ku taalla dalka Sweden ayaa nin Kurdish ah ku xukuntay afar sano iyo bar oo xarig ah, kaddib markii lagu helay inuu isku dayay inuu maalgeliyo kooxda Kurdiyiinta ee PKK oo Turkigu u aqoonsan yahay argagxiso.
Maxkamadda Stockholm ayaa sidoo kale ninkan ku xukuntay in laga musaafuriyo Sweden.
Kiiska ayaa si weyn loo eegayay iyadoo Sweden ayaa hadda isku dayaysa inay ku biirto NATO, balse codsigeeda waxaa hor istaagay Turkiga.
Ankara ayaa Sweden ku eedaysay in aysan wax badan ka qaban la dagaalanka kooxaha ay u aragto argagixiso.
Sweden waxay soo bandhigtay sharciyo adag oo la dagaalanka argagixisada ah bishii hore. Waxayna rajaynaysaa in loo aqbalo xubinimada NATO shir madaxeedka isbahaysiga ee ka dhici doona Lithuania toddobaadka soo socda.
Turkiga ayaa u muuqda inuusan ku qanacsaneyn talaabada ay qaaday Sweden, waxaana arrinta cirka ku shareeray markii dhowaan ay ogolaatay in Kitaabka quraanka lagu gubo dalkeeda taasoo ka careysiisay Turkiga iyo guud ahaan dunida Islaamka.