Wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya Abshir Jaamac Huruse ayaa beeniyey warar la wareejinayey baraha bulshada oo sheegayey inuu xilka iska casilay.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay inuusan iscasilin oo uu safar shaqo ugu maqan yahay dalka dibediisa
“Wararka sheegaya in aan is casiley waa been abuur lagu jahawareerinayo dadweynaha. Waxaan safar shaqo ugu maqnahay dalka dibeddiisa.
Saacadihii u dambeeyay waxaa si weyn looga hadal hayay baraha bulshada warar sheegaya in uu is-casilay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ka mid ah saaxiibada ku dhow Madaxweyne Xassan Shiikh.
Arrintan ayaa ku soo aaday xili maanta Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraaid qabtay uu soo bandhigay Liiska 18 Masuuliyiin isugu jira qaar xiran iyo kuwa baxsad ka ah cadaaladda, kuwaasoo lagu eedeynayo iney iney ku lug yeesheen musuq.