Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Taliska Boliska DF oo yeeshay shir looga hadlay qodobo xasaasi ah

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa shir guddoomay shirka Taliyeyaasha Hoggamada iyo Fadhiyada Madaxabanaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Shirka ayaa looga hadlay dhowr qodob oo kala ah; –

1-Kor u qaadista wacyiga Saraakiisha ee qoorshayaasha Dowlada ee dhanka Qaadista Cunaqbateynta Hubka JFS, u diyaargarowga Bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) iyo Qeybinta tirada labada heer ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee heshiiskii Qaab-dhismeedkii Amniga Qaran.

2-Boggaadin iyo Mahadcelin howlgaladii ay Ciidamada Amaanka ee asbuucii tagay ee todobaadka Xuriyada iyo Maalmihii Ciidul Adxaa, taas oo keentay in aan falal amni daro ka dhicin Caasimada iyo nawaaxigeeda marka laga reebo 24kii al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah dhowr baalooto ee Gantaal macmal ah ku soo tuurtay gegida Caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Howlgalada sugida amniga ayaa saamaxay in ay si nabad ah ku soo dhamaadaan damaashaadka munaasibadihii isku sid kanaa ee todobaadka xuriyada iyo maalmihii Ciida.

3-Mustawaha ay marayaan diyaaraarinta keydadka hubka ee Guud ahaan labada heer ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, taasoo la jaanqaadeysa siyaasada Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

4-Doorka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kaga aadan qoorshaha Xasilinta Goobaha Kahwaarijta laga xoreeyay iyo kuwa u qorsheysan in dhawaan laga xoreeyo.

5-Adkeynta iyo Xaqiijinta Amniga Caasimada iyo meesha ay marayaan dhaqdhaqaaqyadii u danbeeyay ee baarista iyo warbixinada la xariira Gantaaladii macmalka ahaa ee al-shabaab ku soo tuurtay 24kii June iyo 04 July 2023 Magaalada Caasimada ah kuwaasoo dhimasho ka soo gaartay qoys Somaaliyeed oo danyar ahaa. Gantaalkaan macmalka ah, ayaa quburada Ciidanka Boliiska looga dhageystay sida ay ku dhacday inuu gacmaha al-shabaab galo iyo sida uu ku soo gaaray maadama uusan wadan qorigii laga ridi lahaa ayeey si macmal ah u farsameeyeen, taas ayaa keentay in loogu yeero macmal

6-Howlgalo amaan oo ay labada Heer ee Ciidanka Bolisku ka wadaan dalka oo dhan. Isla markaana, ay howlgaladu ka socda dalka oo dhan, gaar ahaan Magaalada Caasimada ah iyo nawaaxigeeda, howlgaladaas ayaa ka la ah; – Howlgalka la dagaalanka Burcada Hubeysan, Howlgalka ladagaalanka Maandooriyaha, Howlgalka la dagaalanka Musuqa iyo Howlgalka la dagaalanka Khawaarijta. Iyada oo howlgalka Ciiltire iyo hirgalinta Xeerka Xakameynta Hubka Caasmida ay qeyb ka yihiin Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka iyo Ciidanka Polizia Militare ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurad gaar ah oo ciidamo ka tirsan Danab ka dejisay Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Axmed Jiis iyo 50 kale oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Baraagta Gurguurte

Caydiid Ali

Sidee Fahad Yaasiin ku helay dhalashada iyo Baasaboorka dalka Kenya? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---