Qeybta 3aad
Musuqa xabsiyada ka jira ayaa ah mid sababa in dadka masaakiinta ah oo aan awoodin iney qabsadaan qareeno ay noqdaan kuwo ugu badan ee ka buuxa xabsiyada, waxeyna ciidanka xabsiyada u geystaan jirdil, tacadiyo maskaxeed, kufsi, ciqaab baahi iyo mid haraad, iyo bukaanka oo aan helin daryeel caafimaad ama loo diido dawooyinka muhiimka u ah cudarada ay qabaan, waxaana sidoo kale maxaabiista xooggagooda iyo aqoonta xirfadahooda looga faa’ideystaa wax soo saar macaash badan dhaliya oo hanti ahaan ay jeebabka ku shubtaan madaxda xabsiyada, waxaana intaas wehliya in xabsiyada dhexdooda la soo geliyo waxyaabaha aan loo ogolayn oo ay ka mid yihiin hubka, maandooriyeyaasha, iyo qalabka elektaroonikada oo dhamaantood laaluush la qaato lagu soo gudbiyo, waxeyna saraakiisha xabsiyada ay qeyb ka yihiin shirqoolada qorsheysan oo waxyeelada iyo dhimashada loogu geysto maxaabiista ku xiran xabsiyada oo ay cadowtooyo kala dhexeeyso kuwa soo kireysta sarakiishaas.
Musuqa dhaqaalaha waxaa kaalinta ugu weyn ka qaata shirkadaha waaweyn oo sida gaarka ah loo leeyahay oo manaboolyada ku haysta badeecadaha iyo adeegyada gaarka ah oo ku saleysan macaash doonka, waxeyna shirkadahaas ay meesha ka saaraan furnaanta suuqa xorta ah, iyagoo gebi ahaanba meesha ka saaraya tartanka xorta ah iyo xaqa ay ganacsatada yaryar u leeyihiin iney xalaal uga shaqeystaan suuqyada, waxeyna tilaabadaas sida dadban suuqyada loogu xiranayo ay waxyeelo u geysataa sicirbararka ku yimaada adeegyada iyo badeecadaha ay dadku sida daruuriga ah ay ugu baahan yihiin iney ku debertaan maciishada nolol maalmeedkooda, waxeyna shirkadahaas xaaraan-quuteyaasha ah ay si gaara u waxyeeleeyaan awooda waxiibsashada dadka masaakiinta ah iyo shaqaalaha quutul yoomkooda uu ku xiran yahay mushaarka yarkaa oo ay ku soo qaataan muruqmaalkooda, waxeyna sidoo kale shirkadahaas ay manaboolyo ku qabsadaan sarifka lacagta qalaad oo ay ku dilaan jiritaanka lacagta Soomaaliya oo ah astaanta qaranka.
Ka hortaga musuqa waxaa saldhig u ah in la dhiso sharciyada ay ku dagaalamayaan hayadaha u xilsaaran la dagaalanka musuqa, kuwaas oo ka shaqeynaya in laga hortago oo la xadido musuqa manaboolyada, in lagu qasbo hayadaha dowladda iney bogagooda Internetka ku soo bandhigaan si daahfuran adeegyadooda si cid walba ay u arki karto dakhligeeda iyo qarashaakooda, in lala wadaago macluumaadka musuqa warbaahinta madaxabanaan, in la sameeyo kor u qaadida wacyiga dadweynaha oo looga digayo laaluush bixinta, in dabagal lagu sameeyo akoonada magaca hayadaha dowladda looga furanayo bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay oo lagu soo shubto hantida laga soo leexsado xatooyada xoolaha dadweynaha, In la faafiyo ceebeynta madaxda laaluush-qaateyaalka ah iyo kuwa laaluushaya shisheeyaha hawlwadeenada ka ah shirkadaha caalamka sida madaxda ka shaqeysa IMF, World Banka, African Bank, iyo shirkadaha caalamiga ah oo adeegyada dibeda ka taakuleeya dowladda, iyo in llaa xisaabtamo hayadaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay oo musuqmaasuqa deeqaha ay shisheeyahu ugu bixiyaan macaawinooyinka loogu talagalay dadka tabaaleysan.
Ka hortaga musuqa muuqda iyo midka qarsoon waxaa loo baahan yahay in isticmaalkooda dibeda la keeno oo waxyeeladooda cida geysatey lagu ciqaabo, waxaana si gaara hayadaha dowladda aad ugu badan musuqa qandaraasyada ay la gelayaan shirkadaha u sameynaya adeegyada ay u baahan yihiin oo intooda badan hab musuqa lagu meelmariyo qandaraasyadooda, kuwaas oo ay dhacdo in lacago dheeriya oo dulsaara dowladda looga qaato adeegyo qiimo yar ku fadhiya, waxeyna taas iney dhacdo ay dowladdu uga hortegi kartaa iyadoo ku qasabta hayadaheeda iney si daahfuran ugu qabtaan tartanka qandaraasyada oo ay uga digaan kuwooda lagu helo musuqa iney bixinayaan ganaax culus iyo iney muteysan doonaan ineysan mar dambe ka qeyb geli doonin qandaraasyada dowladda, waxaana sidoo kale looga baahan yahay dowladda iney dhiirogeliso kuwa yeeriya buunka oo banaanka soo dhiga xogaha musuqmaasuqa ay wax ka og yihiin, iyo shacabka rayidka ah oo firimbiga ku yeeriya kuwa caadeystey laaluush qaadashada.
Musuqa oo xoogeysta wuxuu awoodsiiya dembiyada oo bata iyo sharciga oo noqda mid beeca oo lagu badbaadiyo kuwa ka xooleysta kutakrifalka awooda dowladda iyo xadida hantida qaranka, iyo xatooyada xoolaha masaakiinta, waxaana xatooyada ay sameeyaan hawlwadeenada dowladda qiyas ahaan cabir looga qaata cayilka madaxda oo ay jirkoodu ku noqdaan gafaneyaal ku dibiray ka dhergida dhiigmiiradka masaakiinta, waxaana si gaara taxadar weyn ugu baahan in indho diktoon lagu fiiriyo iney jiraan siyaasado ay wataan wadamada reer galbeedka oo ay ku doonayaan iney wadamada soo koraya kula macaamilaan xoojinta jiritaanka musuqa ku dhexmilan hanaanka dowladda, waxeyna sidaas ku difaacayaan adeegsigiisa si ay ugu noqoto shirkadahooda qaab u suurtogelinaya iney ku dhacaan kheyraadka ay leeyihiin wadamada masaakiinta ah oo dadkoodu saboolka yihiin, waxeyna shirkadahaas gacansaarka la leh madaxda musuqa danahoodu ugu fuliya iney kala shaqeeyaan sidii hantida ay ka heleen xatooyada ay ugu fududeyn lahayeen sidii ay ugu xawilaan lahayeen akoono ay ka furtaan dibeda oo ay suurtogal tahay ugu dambeynta in laga dhaco.
Musuqa siyaasadeed ee doorashooyinka waxaa geysta midkooda ugu weyn madaxda sare ee dowladda oo doonaya xilalka ay hayaan in dib loogu soo doorto, waxeyna awooda dowladda iyo hantida qaranka ay ku galaan ololahooda doorashada, iyagoo codadka lagu dooranayo lacagata lagu iibinayo ka bixinaya qasnadaha dowladda oo si xeeladeysan qarashka looga hormarsado deyn ahaan ganacsatada naasnuujinta ku haysata qandaraasyada dowladda, kuwaas oo kharashyada uga baxa doorashooyinka ay bedelkeeda adeeg dowladeed uga qaadanayaan dhul ama lacag ay ka qaadanayaan qasnadaha dowladda, waxeyna madaxdaas musuqa xilalka ku raadinaya ay u adeegsadaan codbixiyeyaasha xeelado ay ka mid yihiin: laaluushsiin, xoogg iyo hanjabaad cabsigelina, cunaqabateyn, fadeexadeyn, ku soo oogid dembiyo ay hore u galeen, iyo qorshooyin lagula dagaalamayo ineysan mar dambe awood muhiim ah u yeelan iney noqdaan codbixiye ama lagala dagaalamo iney helaan deeqo dowladeed ama meheradaha ay ku shaqeystaan oo ay qoysaskooda ku masruuftaan in laga joojiyo ruqsooyinka dowladda, waxaana musuqa siyaasada ka dhasha boobka codadka oo ku yimaada tiro badan ku darida santuuqa codbixinta ama dhimista codadka ay helaan musharixiinta mucaaradka.
Aqoonyahanka indheergaradka u ah bulshada ayaa waxaa looga baahan yahay iney musuqa ku dhaca garashada ay xalaal ka noqdaan oo aysan runta sheegideeda aysan uga gamban hiilo saaxiibtinimo ama xildhowrasho ama hanti ay ku haystaan xajinta sirta musuqa, ama cabsi ay ka qabaan in la dhibaateeyo ama iney u rukuucaan rabitaanka madaxda ka sareysa ama ay ku ilaashadaan jaceylka ay u qabaan in loo fuliyo danahooda, waxeyna daacadnimadaas ay horseedeysa garasho madaxbanaan oo xor ah oo si walba uga soo horjeeda wixii aan xalaal runa ahayn oo gaar ahaan salka ku haya musuqa nuucyadiisa kala duwan, kuwaas oo sida qaldan loogu adeegsado abaalmarino aan anshax ahayn oo musuqmaasuqleyda la gudoonsiiyo sida, hadiyado qaaliya, naasnuujin dhaqaale, lacag, guryo, dalacsiin, gaadiid, u guursiinta lamaane, qeyb ku yeelashada sami shirkadeed, xuquuq lagu mudanayo xurmo-sharfeed, shaqaleyn, ku raaxeysi dalxiis dibadeed iyo mid gudaha, aadida daryeel caafimaad dibadeed, deeqo waxbarasho, iyo gacan ku siinta doorashada lagu tartamayo jago siyaasadeed.
RIIX HALKAN QEYBTII KOOWAAD
RIIX HALKAN QEYBTII LABAAD
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com