Taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay nin ka tirsan Al-shabaab oo loo heysto inuu dilay sanadkii hore sarkaal ciidan.
Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in soo qabashada ninkan ay ka dambeysay ka dib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada amaanka.
Waxay intaas ku dareen in la marsiin doono hab-raaca sharca ee wadanka u yaalla.
“06/07/2023 Abaaro 05:40pm, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidan saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa howlgal qorsheysaysan kusoo qabtay eedeysane dhagar-qabe Aadan Axmed Aadan, kaasoo ku lug lahaa dilka allaha naxariistee sarkaal boliis ah oo ka tirsanaa saldhigga boliiska degmada waaberi bishii koobaad ee sanadkii hore” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska
Sidoo kale, Booliska ayaa ka dalbaday shacabka hadii ay arkaan fal amniga liddi ku ah iney la wadaagaan saldhigga ugu dhow ama wacaan lambarka gaaban ee 991.