Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah

Golaha Wasiirrada X.F.S oo yeeshay maanta kulankoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad oo lagu ciribtirayo Khawaariijta, taasoo la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka looga xoreynaayo kooxaha Khawaarijta ah, waxa ayna tilmaameen in uu dhawaan bilaaban doono hawlgalkan oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay dabargoynta Kooxaha Nabad-diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku jira xaalad naf la caari ah, kaddib markii awooddoodii ciidan, dhaqaale iyo fikirba si weyn loogu wiiqay wajigii koowaad ee hawlgalkan.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada golaha shacabka oo beri kulmaya iyo Ajandaha kulanka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Xog: Khilaaf ka dhex-qarxay Shiikh Shariif iyo xubnaha kale ee Midowga Musharaxiinta

Caydiid Ali

Dayuuraradaha USA & UK oo mar kale weeraray Yemen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---