Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi xalay duqeyn culus ku garaaceen diyaaradaha dagaalka Kenya, waxaana duqeyntan ka dhalatay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in afar gantaal diyaaradaha dagaalka Kenya ku dhufteen xaafado katirsan Ceel Cadde, waxaana duqeyntan si gaar ah loola beegsaday guryo deegaankaasi kuyaalla.
Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku geeriyootay duqeynta xalay lagu garaacay Ceel Cadde, waxaa sidoo kale duqeynta ku dhaawacmay tiro kale ,kuwaa oo qaarkood la sheegay in dhaawacyo culus qabaan.
Duqeynta ayaa sidoo kale sababtay in ay bur buraan guryo kuyaalla deegaanka Ceel Cadde, waxaana deegaankaasi maanta si weyn looga dareemayaa khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay dhacday.
Deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa sannado kahor lagu laayay ciidamo badan oo katirsanaa milatariga Kenya, kaddib markii Al Shabaab saldhigooda ku qaadeen weerar qaraxyo ku bilowday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com