Allbanaadir.com
NEWS

Askari dil u geestay Haweeney oo lagu qabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay hooyo Soomaaliyeed ku dilay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana askarigan dilka geestay durba gacanta ku dhigay ciidamada booliiska.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in askariga dilka geestay ay xabbada uga fakatay haweeneyda uu dilay, waxa ayna sheegeen booliiska in ay socdaan baaritaano.

Haweeneyda la dilay oo magaceeda lagu sheegay Farxiyo Nuur Maate ayaa kamid aheyd dadka deegaanka, waxaana meydkeeda lagu wadaa hooyadan in maanta lagu aaso qabuuro kuyaalla degmada Dayniile.

Ciidamada booliiska qeybta goboilka Banaadira ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan askar iyo dad kale oo dil iyo dhaawacyo u geestay dad shacab ah, kuwaa oo hadda ku xiran xabsiyo kuyaalla Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobay oo ansixiyey howlgalka ATMIS ee Somalia

Caydiid Ali

Kheyre oo Dhagax dhigay Mashaariic laga hirgalinayo Xudur (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Amniga sii xumaanaya ee Muqdisho baaqna u diray Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---